Dhegayso VOA: Shariif oo si yaab leh uga hadlay Xayiraada Laga qaaday Mukhtaar Roobow iyo Xaaladiisa

Dhegayso VOA: Shariif oo si yaab leh uga hadlay Xayiraada Laga qaaday Mukhtaar Roobow iyo Xaaladiisa

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhoweeyay xayiraada laga qaaday Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaddib markii bishii la soo dhaafay uu Mareykanka ka saaray liiska Argagixisada ee shaqsiyaadka aadka loo doon doonayo.

Shariif Xasan oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ku tilmaamay tallaabada xayiraada looga qaaday inay wax weyn ka bedeli doonto xasilooni, nabad ku soo dabaalida deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana jidadka xiran ay furmi doonaan, isu socodkana uu soo laaban doono.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo dhoweyso Abuu Mansuur, lana xiriiraan, isagoo ugu baaqay inuu dowladda la shaqeeyo, isla markaana uu qaato tallaabada ugu wanaagsan oo dadkiisa, dalkiisa, dowladnimadeeda uu qaato ka rajeyneynaa.


“Mar hadii xayiraada laga qaaday in dowladda uu u tago wax dhibaato ay leedahay ma lahan, dalka dowladda Federaalka u talisa, dalka waa dalkiisa, meel walba waa u gudbi karaa, meeshaan wuu joogi karaa, wixii dowladda la garato baa la sameynayaa,”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.
Mar la weydiiyay kaalinta maamulkiisa ka qaadan karo, hadii qatar ay soo wajahdo Abuu Mansuur ama Al-Shabaab weeraraan, ayuu sheegay in uusan aaminsaneyn in Al-Shabaab ay weerari karaan, maadaama uu deegaanadiisa ku sugan yahay.
“Sheekh Mukhtaar oo jooga goboladan, in kooxdaas wax ka qaadi karaan uma maleynayo, hadii wax nooga baahdo waa kaalmeyn doonaa, waxaa aaminsanahay inuu isaga filan yahay oo aan lagu weerari karin goboladan”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in isaga uu maqnaa, markii xayiraada laga qaadayay, isla markaana wixii hada ka dambeeya uu dar dar gelin doono, sidii inta dhiman loo dhameystiri lahaa, isagana uu la xiriiri doono sida uu hadalka u dhigay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada