Donald Trump oo beddelay mowqifkiisii hore ee Qatar, isaga oo ballan qaaday…

Donald Trump oo beddelay mowqifkiisii hore ee Qatar, isaga oo ballan qaaday…

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ballan-qaaday inuu sii wadi doono xiriirka wanaagsan ee Qatar kala dhaxeeya, isaga oo u muuqda inuu beddelay mowqifkiisa hore ee uu ku eedeeyey dalk Qatar.

Trump ayaa markii ay billaabatay xiisadda ka dhex oogan Qatar iyo xulufada Sacuudiga, waxa uu Qatar ku eedeeyey inay taageerto argagixisada, hase yeeshee waxaa muuqata in isbeddel uu ku yimid mowqiikiisii hore.

“Xiriirka aan la leenahay Qatar waa sii wadi doonnaa. Marnabana lagama yaabo inaan halkaas ka rarno saldhigga milatari ee aan ku leenahay” ayuu yiri Trump, oo Qatar ku sheegay saaxiib wanaagsan oo Mareykanka uu leeyahay.

Saldhigga Al-Udeid ee Qatar ayaa waxaa Mareykanka ka jooga 10,000 oo askari.

Dhowaan ayaa wasiirada arrimaha dibedda Mareykanka iyo Qatar waxa ay Doha ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya in lala dagaalamo maal-gelinta kooxaha argagixisada, waxaana Trump uu sheegay inay hadda muuqato in dadaallada Mareykanka ay miro-dhalayaan.

Dhinaca kale Trump ayaa sheegay inuu arbacadii qadka taleefonka kula hadlay boqorka Sacuudiga, si loo soo geba-gebeeyo xiisadda, islamarkaana loo qaado xayiraadaha saaran Qatar.

Si kastaba, Trump ayaa ah nin is-bedel badan, oo aan la isku haleyn karin hadalladiisa, waxaana mararka qaar muuqata inuusan xitaa ka war-hayn wixii uu shalay ku hadlay, ama uusan wax badan ka fahamsaneyn siyaasadda arrimaha dibedda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada