Ivanka Trump oo arrin yaab leh oo aan horey u dhicin ku dhaqaaqday

Ivanka Trump oo arrin yaab leh oo aan horey u dhicin ku dhaqaaqday


daajis.com:- Arrin aan hore u dhicin dhinaca diblumaasiyada ayaa gabadha uu dhalay madaxweyne Donald Trump ee Ivanka Trump ka qayb gashay kulanka wadamada G20 mar lagaga hadlayey arrimo la xidhiidha Afrika iyadda oo mataleysa aabaheed.

Kulankan oo qabsoomey subaxnimadii shalay ayaa shiishka lagu saarey muhaajiriinta iyo caafimaadka,

Sawir uu mas’uulka shirka uga qayb galay Ruushku uu dhigey bartiisa tweeterka ayaa waxa ka muuqata Ivanka Trump oo fadhida meel u dhaxaysa madaxweynaha Shiinaha Shii Jinbing iyo raysal wasaaraha Britain Mrs May.

Aqalka cad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta qof aan la dooran, isla markaana ah gabadhii Madaxweynuhu ay ugu fariisatey kursigii Madaxweynaha iyada oo dhinac fadhida hoggaamiyaasha caalamka. Warka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Ivanka ay fadhidey gadaal, laakiin markii Donald Trump uu banaanka u baxay si uu ula kulmo hoggaamiyaal kale ay iyadu sii fariisatey.

Kulanka Trump isaga abxay ee Gabadhiisu u meteshey, ayaa looga hadlaayey Afrika, taas oo la is weydiinayo siyaasadda Trump ee Afrika heerka ay taagan tahay.

Ivanka Trump ayaa canbaareyn kala kulantey falka ay ku kacdey waxaana baraha bulshada is qabsadey in qof aan la dooran uu metalayo dalkii ugu awooda iyo dhaqaalah weynaa dunida.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada