Jubbaland oo cagsi u rogtay Hanjabaada ay DFS u jeedisay Ganacsatada dhaqaalaha siisa Shabaab

Jubbaland oo cagsi u rogtay Hanjabaada ay DFS u jeedisay Ganacsatada dhaqaalaha siisa Shabaab

daajis.com:- Iyadoo dhawaan ay Madaxda Hay’adaha amniga dowlada Federaalka ah ee Somalia digniin u jeediyeen Ganacsatada dhaqaalaha siisa maleeshiyaadka Shabaab ayaa waxaa digniin kaa ka duwan soo saaray maamulka Jubbaland.

Maamulka Jubbaland oo qaba tuhun kaa ka duwan ayaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada maamulka uga digay inay dhaqaale siiyaan maleeshiyaadka Shabaab.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo shacab fara badan kula hadlaayay magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay inay jiraan shacab badan oo dhaqaale xoogan ku bixiya Shabaab.

Wasiir Janan waxa uu sheegay inay wadaan baaritaano lagu xaqiijinaayo shacabka Shabaabka siiya dhaqaalaha, waxa uuna tilmaamay inay ciqaabi doonaan cidii lagu helo falkaas.

Wuxuu sheegay Shabaab inay adeegsadaan dhaqaalaha ay ka qaataan shacabka maamulka, wuxuuna tilmaamay dhaqaalahaasi inay yihiin kuwa ay ku iibsadaan saanadaha Militari ee Gobolka ay uga dagaalamaan.

Waxaa uu dadka Shacabka ah uga digay in ay Shabaab lacag ama taageero kale ay siiyaan.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa si xad dhaf ah ugu dhex nool deeganada maamulka Jubbaland kuwaa oo inta badan adeegsada dadka deegaanka iyo lacagahooda.

Dhawaan ayay aheyd goortii Madaxda Hay’adaha amniga ay soo saaren digniin ku wajahan Ganacsatada maalgalisa Shabaab kuwaa oo la sheegay in dowlada ay kala wareegi doonto Ganacsigooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada