Maamulka Gobolka Banaadir oo si rasmi ah uga laabtay go’aankii Beerta Nabadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo si rasmi ah uga laabtay go’aankii Beerta Nabadda

daajis.com:- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah uga laabtay go’aankii ku aadanaa inaan mar dambe beesha Nabadda lagu geli karin Lacag.

Amarkaan oo markii horeba keenay khilaafk ka dhex dhashay Maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsatadii meeshaas maalgashatay ayaa ugu dambeyn wuxuu Maamulka Gobolka Banaadir soo saaray in arrintaas laga laabtayt, balse sharci iyo heshiis cusub laga soo saaray.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Maluuka Xaaji Dheere ayaa saxaafada u sheegtay in laga laabtay amarkii hore u soo baxay, isla markaana Maamulka Gobolka iyo Ganacsatada Beerta ay kulan yeesheen.

Wuxuu sheegay inay labada dhinac isla garteen in habkii hore ee loo maamuli jiray Beerta wax laga badalo wuxuuna yiri “Markii aan falanqeynay waxyaabaha ku saabsan qiimaha lagu galo beerta waxaa isla galaran in beerta shaqadeeda ku soo noqoto, in wixii hada ka dambeeya dadka laga qaado $1, si qof kasta oo muwaadin ah uu ku nasto beerta”ayay tiri Maluuka Xaaji Dheere.

Waxaa ay sheegtay in sidoo kale Ganacsatada beerta ay isku afgarteen in si isku mid ah lacagaha lagu galo beerta maalmaha caadiga iyo maalmaha ciida, iyadoo xustay in hadii carruur tahay iyo dadka kalena laga qaado lacago isku mid ah oo ah $1.

Beerta Nabada oo ku taal dhabarka dambe ee Taaladii SYL iyo nawaaxiga Boosteejadii ceel gaabta ayaa ka mid ah dhulalka danta guud oo la siiyay Ganacsato maalgashatay, waxaana bixiyay maamulkii hore ee Gobolka Banaadir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada