Sacuudiga oo soo bandhigay hal qodob oo fulintiisa lagu xalin karo xiisada Khaliijka

Sacuudiga oo soo bandhigay hal qodob oo fulintiisa lagu xalin karo xiisada Khaliijka

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, oo Saxaafada kula hadlay magaalada Jiddah ee xarunta dalka Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaaday in Khilaafka Xulafada iyo Qadar uu soo dhamaan doono keliya goortii la xiro saldhiga militari ee Turkiga ku leeyahay Qatar.

Wasiir Al-Juber, waxa uu sheegay inay adkaan doonto in xal laga gaaro Khilaafka dowladaha Khaliijka inta uu Saldhiga Turkiga ka howlgalaayo dalka Qadar.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Turkiga ay faragalin xoogan ku heyso amuuraha Khaliijka isla markaana la doonaayo in Qadar ay go’aan ka gaarto Saldhiga Turkiga.

”Uma dulqaadan doono in saldhiga militari ee Turkiga ku leeyahay Qatar uu sii shaqeeyo, waayo Turkiga waxa uu si xooli ah colaado uga dhex abuurayaa wadamada Khaliijka waa in wadahadal ka hor la xiraan Saldhiga militere ee Turkiga”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, waxa uu codsaday in wadahadal ka hor la xiro saldhiga militari ee Turkiga ku leeyahay Qatar.

Sidoo kale, Al-Juber waxa uu carab dhabay in dowlada Turkiga ay xasarad ka dhex abuureyso Saldhiga militere ay ku leedahay Qadar, hayeeshee aan loo dulqaadan doonin inuu sii shaqeeyo Saldhiga.

Haddalka Al-Juber ayaa u muuqanaaya mid ay Xulafada ku dooneyso in lagu xiro Saldhiga, si ay u baacsadaan dowlada Qadar oo aad u yar dhulka ay ku fadhiso iyo cadadka muwaadiniinteeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada