Sawiro: Ciidamada Xasilinta oo qabtay koox dhaqan xumo degmada Yaaqshiid ka Waday iyo waxa dhacay

Sawiro: Ciidamada Xasilinta oo qabtay koox dhaqan xumo degmada Yaaqshiid ka Waday iyo waxa dhacay

daajis.com:- Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa xalay howl gal ay ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ku soo qabtay koox burcad ah oo dhac ka geysanayay xaafadaha degmadaas, iyadoo is rasaaseyn kooban ay dhex martay.

Kooxahan oo gaarayay illaa afar nin hubeysan ayaa la soo qabtay, xilli ay ku guda jireen falal dhac ah, waxaana ciidamada ay soo qabteen saddex nin oo mid ka mid ah uu dhaawac ahaa, halka mid kalena uu baxsaday.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in kooxahan ay ahaayeen burcad dhac ka geysanayay degmada, isagoo xusay in shacabka ay ku soo wargeliyeen, kaddibna ay si deg deg ah ciidamada uga howl galeen.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo qabtay illaa 12 mobile oo ay dhaceen iyo qori AK47 iyo mooto bajaaj ay u adeegsanayeen falalka dhaca ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku bogaadiyay maamulka degmada Yaaqshiid iyo dadka deegaanka sida ay isaga kaashadeen inay soo qabtaan dadkii dhibaatada ka waday degmada.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in raggan falalka dhaca ka geysanayay degmada Yaaqshiid la soo taagi doono Maxkamad.

Ciidamada Xasilinta caasimada oo lagu soo kordhiyay ciidamo cusub ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay howl gallo ka waday degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada