Sawiro: Taliye iyo Ciidamo Llagu dilay dagaal Muqdisho ka dhacay (Warbixin)

Sawiro: Taliye iyo Ciidamo Llagu dilay dagaal Muqdisho ka dhacay (Warbixin)

daajis.com:- Iska hor imaad aad u culus ayaa agagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku dhex maray ciidamada ka tirsan kuwa Militariga iyo nabadsgudda.

Iska hor imaadka ka dhacay agagaarka Tiyaatarka ayaa ka dambeeyay, kaddib markii ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada ay maanta duhurkii joojiyeen gaari ay la socdeen ciidamada nabadsugida oo marayay Isgoyska Ceel Gaabta, xilligaasoo wadada ay xirneyd.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka dhex maray Ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa Nabadsugida uu ku dhintay Sarkaal ciidan oo lagu magacaabo Ciise Jiijiile oo ahaa Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Xiisadda ayaa saacado ka taagneyd wadada hor marta Madaxtooyada, halkaasoo ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada.

Taliya la dilay ayaa la sheegay inay meydkiisa meesha ka qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa meesha ku dhimatay ilaa shan askari oo ka tirsanaa kuwii dagaalka dhex maray, waxaana ku dhaawacmay ilaa 3 kale oo isla ciidmada ah.
Xaaladda meesha uu dagaalka ka dhacay ayaa hadda dagan, welina ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiishada Ciidamada Dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada