Sawirro: Shacab careysan oo dibad bax ka wada magaalada Muqdisho

Sawirro: Shacab careysan oo dibad bax ka wada magaalada Muqdisho

daajis.com:- Shacab badan oo ka careysan dilkii shalay loo geestay Taliye Ku Xigeenkii hore ee NISA u qaabilsanaa Gobalka Banaadir Ciise Jiijiile ayaa Xiligaan dibadbax ka dhigayaan qeyba ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama ilaa tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in dibadbaxa uu wato rabashado saameeyay Goobaha Ganacsiga iyo isku socodka Gaadiidka iyadoo ay gaareen Ciidanka Dowladda soomaaliya.

Dadkan ayaa ka careysan Sarkaalkii ka tirsanaa Ciidamada NISA ee lagu dilay iska hor imaadkii shalay dhex maray Ciidamada, waxaana ay ku qeylinayeen inay rabaan cadaalad, cidii ka dambeysayna sharciga la horkeeno.

Waxaa la xiray Ganacsiga qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, waxaana dadweynahan careysan ay dhagxaan la dhacayeen gaadiidka dadweynaha ee wadada marayay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Xasilinta oo isku dayay in dadka dibad baxayay ay dajiyaan ayaa dhagxaan lagu bilaabay, iyadoo dib u laabteen.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Xasilinta oo u yimid dadweynaha dibad baxayay uu ku qanciyay inay dib u laabtaan, ayna wadada furaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada