Shabaab oo afduubtay mas’uul sare oo Kenyan ah, dad la dilay iyo qaar dhaawac ah

Shabaab oo afduubtay mas’uul sare oo Kenyan ah, dad la dilay iyo qaar dhaawac ah

daajis.com:-Kooxda Al-Shabaab ayaa afduubatay baabuur ay saarnaayeen lix qof, oo ay ku jiro mas’uul sare oo Kenyan ah, waxaana ay dileen qaar ka mid ah dadkii, ayaga oo qaar kalena dhaawacay.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay saddex qof, waxaana la dhaawacay xogyihii magaalada Lamu, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya.

Baabuurka Shabaabka ay afduubteen oo ahaa nooca Prada ayaa waxaa saarnaa lix qof.

Markii ay ogaadeen in ciidamada Kenya ay soo daba socdaan, ayaa Shabaab waxay dileen saddex qof, ayaga oo dhaawacay xoghiyihii howla guud ee Lamu, Mariamu El Maawy.

Mariamu El Maawy ayaa waxaa xabadaha ay kaga dhaceen lugta iyo garabka, waxaana la geeyey isbitalka Mpeketoni Hospital kadib markii ay soo badbaadiyeen ciidamada Kenya.

Lixda qof ee baabuurka saarnaa ayaa kala ahaa Mariamu El Maawy, darawal iyo afar booliis ah. Labada qof ee kale ayaan weli laga war-hayn xaaladooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada