Video: Qatar oo taagero ka heshay Britain iyo Sacuudiga oo laga joojinayo…

Video: Qatar oo taagero ka heshay Britain iyo Sacuudiga oo laga joojinayo…

daajis.com:- Hogaamiyaha mucaaridka dalka UK Mr.Jeremy Corbyn ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hakiyo dhamaan hubka reer Galbeedka ay siiyaan ama ka gadaan Boqortooyada Sacuudiga.

Madaxa xisbiga Labour Party ee UK ayaa sheegay in dagaalka ka socda dalka Yemen uu yahay mid khasaaro badan ka dhashay si loo helo xal ayuu yiri Mr.Corbyn oo wareysi siiyey telefishinka Aljazeera.

Xulafada Sacuudiga ayaa bishii Maarso 2015 bilaabay dagaalka ay kula jiraan Xuuthiyiinta Yemen ee xukunka tuuray xukuumada Yemen. Tan iyo wakhtigaasi ayaa la sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 10 kun oo qof oo u badan shacab, kuwaasi oo qeyb badan oo kamid ah ku dhinteen duqeynta baaxadaleh oo ay ciidamada Sacuudiga la beegsadeen dalka Yemen.

Dowlada UK ayaa kamid ah dalalka reer Galbeedka ee hubka ka gada Boqortooyada Sacuudiga, waxaana qandaraaskii ugu dabeeyey ee UK hubka uga iibisay Sacuudiga uu gaareyay lacag dhan $.4.1 bilyan oo dollar.

Jeremy Corbyn ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah loo baaro xasuuqa lagu eedeenayo in Sacuudiga uu ka geystay dalka Yemen.

Hay’adaha xaquuqul insaanka ayaa horey boqortooyada Sacuudiga ugu eedeeyey inay si bareer ah u duqeeyeen xarumaha ay shacabka ku sugan yihiin sida isbitaalada, iskuulada iyo suuqyada ku yaal dalka Yemen. Waxaa iyaguna jiray dad badan oo lagu duqeeyey doonyihii ay saarnaayeen kuwaasi oo marayey xeebta Yemen, waxaana kamid ahaa doontii ay saarnaayeen Soomaalida oo ay ku dhinteen in ka badan 40 qof bishii Maarso ee sanadkan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada