Video: Xafiiska isir-raaca Soomaalida oo laga furay Boosaaso iyo baasaboorka oo qaab yaab leh loo bixinayo

Video: Xafiiska isir-raaca Soomaalida oo laga furay Boosaaso iyo baasaboorka oo qaab yaab leh loo bixinayo

daajis.com:- Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari maanta waxaa laga furay xafiis loogu magacdaray Isir-raaca muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaasi oo uu daahfuray Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda amniga Puntland iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Xafiiskaan ayaa la sheegay inay dalbatay Hay’adda Socdaalka Soomaaliya, wuxuuna quseeya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee qaadanaya Baasaboorka Somaliga.

Yuusuf Maxamed Waceys Gudoomiyaha Gobolka Bari, ayaa sheegay xafiiskaan in la sameeyay, kadib markii la ogaaday dad badan oo Ajaanib ah inay si qaldan ku qaateen Baasaboorka Somaliga, iyaga oo iska dhigaya inay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Waxaa ka hawlgeli doona Xafiiskaan Sagaal Nabadoon oo qofka qaadanaya Baasaboorka Somaliga wareysan doona, si asal raaciisa Somalinimada ah qofkaasi loo ogaado.

Gudoomiyaha Gobolka Bari, ayaa sheegay Nabadoonada ka hawlgalaya xafiiskaan inay ka soo kala jeedaan Gobolka Bari oo Puntland ah iyo Gobolada Koonfureed.

“Xafiiskan waxaa ka howlgali doona 9 kamid aha nabadoonada gobolkan oo kala matalaya qabaailada dagan gobolka Bari iyo dadka ka soojeeda Maamulka koonfur galbeed ee soomaaliya, waxay hubinayaan oo kaliya inuu Soomaali yahay iyo in kale.” ayuu yiri Gudoomiye Dhado

Waa markii ugu horeysay oo xafiis noocaan oo kale ah laga furo guud ahaan Soomaaliya, iyadoo shaki laga muujinaayo dadka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada