Xog: Cabsi weyn oo soo wajahday saraakiisha Shabaab iyo xaaladda oo meel xun gaartay

Xog: Cabsi weyn oo soo wajahday saraakiisha Shabaab iyo xaaladda oo meel xun gaartay

daajis.com:- Saraakiisha ugu sareyso ee ururka Al-Shabaab ayaa ku jirto cabsidii ugu dambeysay kadib markii lala daba kacay ugaarsi aan kala go’ laheyn oo lagu fulinayo diyaarado dagaal oo casri ah.

Diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa bishaan gudaheed fuliyeen duqeyn waaweyn oo lagu dilay saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, waxayna tallaabadaan sababtay inay cabsi weyn soo wajahdo Saraakiishaas.

Deegaanka Kuunya Barow ayey aheyd meeshii ugu dambeysay oo ay diyaaradahaas duqeyn ka fuliyeen, wuxuuna deegaankaas hoos tagaa Gobolka Shabellaha hoose, waxaana duqeyntaas isla kaashaday ciidamo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa hadda bilaabay inay habeenadii ay seexdaan meelo kala duwan, waxayna illo wareedyo rasmi ah Caasimadda online u xaqiijiyeen inay cabsi weyn soo food saartay Saraakiisha Al-Shabaab, waxaana laga yaabaa inay Saraakiishaan gudaha usii galaan duurka iyo lama dagaanka Soomaaliya maadaama ay diyaarado dagaal baadi goob ugu jiraan.

Magaalooyinka waaweyn ee Shabaab ay gacanta ku hayaan sida Jilib, Jamaame iyo Magaalooyinka kale, ayaa habeenkii markii ay galayaan gaadiidka Shabaabka, gabi ahaanba waxaa la damiyaa nalalka, oo gaariga waxaa lagu hagaa toosh, si nalka gaariga aysan diyaaradaha dagaalka u soo raacin oo loo bartilmaameedsan.

Midda ugu weyn oo ay Al-Shabaab ka cabsadaan ayaa ah taleefoonada gacanta, waxayna bilaabeyn inay taleefanada iyo Simcards-ka kala bixiyaan xilliyada qaar iyagoo ka cabsi qabaan in duqeyn loo geysto iyadoo loo marayo taleefoonada.

Sidoo kale waxaa jiro shaki weyn oo soo kala dhex galay Saraakiisha Al-Shabaab , maadaama ay jiraan shaqsiyaad kala duwan oo dhanka dowladda u soo baxsaday, kuwa kalena laga cabsi qabo inay u baxsadaan dhanka dowladda.
Xaaladaan ayaa lagu tilmaamay inay tahay middii ugu adkeyd oo dhawaanahaan soo marto Al-Shabaab, waxaana macquul ah inay soo dhawaatay xilligii lasoo afjari lahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada