XOG: Saraakiil loo diyaariyey la kulanka Mukhtaar Roobow oo gaaray Baydhabo

XOG: Saraakiil loo diyaariyey la kulanka Mukhtaar Roobow oo gaaray Baydhabo

daajis.com:- Sida laga soo xigtay Saraakiisha amaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaa magaalada Baydhabo gaaray Saraakiil ka socta Wasaarada Gaashandhiga Mareykanka.

Saraakiishani ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa Afar kuwaa oo la doonayo inay wadahadal la yeeshan Hogaamiyihii ka gadooday Shabaab ee dhawaan laga saaray Liiska Argagixisada Caalamka Mukhtaar Roobow ”Abuu Mansuur”.

Saraakiishani ayaa waxaa wehliya Sargaal ka tirsan FBI, kaa oo u xilsaaran in Roobow uu ka dhaadhiciyo in laga musaafuriyo deegaanka Abal oo qiyaastii 18KM u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Saraakiishani ayaa magaalada Baydhabo ugu sii diyaar garoobaya la kulanka Wadaadka qunyar socodka ah ee Mukhtaar Roobow, waxa ayna sidoo kale wareysiyo arrintaa ku saabsan lasii yeelan doonaan Hogaamiyaha maamulka iyo Xubnaha kala shaqeeya arrinta Roobow.

Mukhtaar Roobow oo hadda ku go’doonsan deegaanka Abal oo qiyaastii 18KM u jirta Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho, sida uu qorshuhu yahay.

Warar hoose ayaa tibaaxaya in Roobow Saldhig looga dhigi doono Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaa oo ay isku arki doonaan dhammaan Madaxda dalka iyo kuwa Caalamka ka jooga Somalia.
Talaabada Liiska Argagixisada looga saaray Mukhtaar Roobow, ayaa guul Taariikhi u ah dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana suuragal ah inay kusoo feelan Horjoogayaal kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada