Aqalka Cad oo galay xaalad mugdi ah

Aqalka Cad oo galay xaalad mugdi ah

daajis.com:- Lix bilood ayaa laga joogaa markii uu xilka la wareegey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump , waxaana xilka uu ka eryey ama cadaadis dartiis isaga tagay dad badan oo maalin kasta ay tiradoodu sii kordheyso, waxa ay xilal muhiim ah ka hayeen Aqalka Cad iyo guud ahaan Maraykanka.

Trump

Waxaa ugu dambeeyey Anthony Scaramucci oo ahaa agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad, xilkaasi oo uu hayay muddo 10 maalmood ah oo kaliya.

Haddaba waxa aan halkan kusoo taxaynaa liiska dadka shaqada uu Trump ka eryey ama isaga tagay iyo sababaha loo cuskaday.

Anthony Scaramucci

Wuxuu ahaa taageerayaasha ugu waaweyn ee Trump markii lagu jirey ololaha doorashada sanadkii hore, 10 maalmood ka hor ayaana xilka agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad loo magacaabay.

Waa nin caan ku ah xaga dhaqaalaha, gaar ahaan suuqa saamiyada ee Wall Street, halkaasi oo uu ka mid ahaa dadka macaashka badan ka sameeyey ee ka tilmaaman.

Inkasta oo uusan shaqada ku raagin, hadana waxa uu warbaahinta u sameeyey ciwaano waaweyn intii yareyd ee uu shaqada joogay.

Sheekooyinkii ugu waaweynaa ee laga qorey waxaa ka mid ah fariin uu soo dhigey boggiisa Twitter-ka oo loo fasirtay in uu ku eedeynayay Agaasimaha Aqalka Cad Reince Priebus in uu mas’uul ka yahay wararka hoosta looga dusinayo saxaafada ee sirta ah. Balse markii dambe waa uu tirtirey qoraalkaasi.

Sababta shaqada looga eryey

Inkasta oo uu ku faanay in uu si toos ah uga amar qaato madaxweyne Trump, oo uusan hoos tagin agaasimaha Aqalka Cad , ayaa waxaa laga yaabaa in taasi ay ugu wacantahay sababta Agaasimaha cusub Jeneraal John Kelly uu xilka oga eryey Scaramucci.

Shaqo ka tagista Scaramucci waxaa la shaaciyey saacado uun kadib markii xilka agaasimaha guud ee Aqalka Cad loo magacaabay Jeneraal Kelly oo horey u ahaa wasiirka amniga gudaha.
Madaxweyne Trump ayaa la sheegey in uu qoonsaday hadalkii Scaramucci ee uu Twitter-ka kusoo qorey.
Waxaa xilka laga direy taariikhda markii ay ahayd 31-dii July.

Reince Priebus, Agaasimahii Aqalka Cad

Waxa uu horey u ahaa guddoomiyaha guddiga qaran ee xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna ka mid ahaa dadka tirada yar ee siyaasiyiinta reer Washington ah ee xilka sare ka heley Aqalka Cad ee Trump, balse waa ay u suurtogali weysey in uu hanto shaqada.

Waxa uu la tacaalayay awoodaha is diidan ee ku dhex loolamayay Aqalka Cad , oo ay ka mid ahaayeen gabadha uu dhalay madaxweynaha ee Ivanka iyo wiilka uu seediga u yahay Jared Kushner.

Waxaa xaalka uga sii daray markii agaasimaha warbaahinta loo magacaabay Scaramucci oo ay si shaqsiyan isugu dhacsanaayeen, kaasi oo markii dambe diidey in uu ka amar qaato.

Sababta loo eryey

Madaxweyne Trump ayaa la sheegey in uu lumiyey kalsoonidii uu ku qabay Priebus , wuxuuna soo xushey nin jeneraal ah si uu ugu badalo.

Waxaa kale oo xiiso lahayd xiliga la eryey in ay kusoo beegantay xili xisbiga jamhuuriga uu ku guuldaraystey in uu meesha ka saaro sharciga caymiska caafimaadka Obama.

Waxa uu xilka hayay muddo 6 bilood ah, waxaana xilka laga qaaday 28-dii July.

Sean Spicer, Afhayeenkii Aqalka Cad

Wuxuu ahaa ninkii ugu caansanaa dowladda Trump, wuxuu ahaa ninka maalin kasta warbaahinta soo hor istaagi jirey si uu u difaaco siyaasadaha Donald Trump.

Waxa uu si weyn ugu sii caanbaxay kadib markii barnaamijka majaajilada siyaasadeed ee lagu magacaabo Saturday Night Live uu ka sameeyey jilliin maad ah oo isaga lagu canjilayo.

Sababta uu xilka uga tagay

Sean Spicer isaga ayaa xilka iska casiley , iyada oo sida la sheegey uu arrintaasi isfaham wanaagsan kala gaaray madaxweyne Trump si ka duwan dadkii kale.
Waxa uu xilka ka dagay isla markii agaasimaha warbaahinta Aqalka Cad loosoo magacaabay Scaramucci, talaabadaasi oo uu Spicer ka biyo diidsanaa.

Gabadha lagu magacaabo Sarah Huckabee Sanders oo ku xigeenkiisa ahayd ayaa buuxisey booskiisa.
Waxa uu xilka hayay muddo lix bilood ah, wuxuuna xilka isaga dagay 21-dii July.

James Comey, Agaasimihii FBI

Comey waxa uu kaalin muran badan dhalisey ka ciyaaray maalmihii ugu dambeeyey ee doorashadii Maraykanka sanadkii hore.

Xisbiga dimoqoraadiga ayaa ku eedeeyey eex siyaasadeed kadib markii uu dacwad ku furey Hillary Clinton todobaad uun ka hor maalintii codbixinta doorashada loo dareerayay. Talaabadaasi darteed ayuu Trump amaan badan ugu jeediyey Comey.

Balse markii Comey uu baaritaan ku furey Trump laftiisa eedeymo la xiriira lugtii Ruushka ku lahaa ololihii doorashada ee Trump , ayuu madaxweyne Trump aad u qoonsaday Comey.

Sababta xilka looga eryey

Maamulka Trump waxa uu sheegey in sababta Comey xilka looga eryey ay ahayd in uu si xun u maamuley baaritaanka fadeexadii emailada ee Hillary Clinton, sidaasi darteedna uusan awood u lahayn in uu xilkaasi sii hayo.

Balse markii dambe hadalo isburinaya ayaa kasoo baxay Aqalka Cad, waxaana ka mid ahaa in sababaha loo eryey ay la xiriirtey baaritaanka fadeexada Ruushka.

Waxa uu xilka hayay sedex sano iyo sideed bilood, isaga oo afar bilood uun ka hoos shaqeeyey xukunka Trump, ka hor intii aanan xilka laga qaadin 9-kii bishii May.

Michael Flynn, la taliyihii amniga

Michael Flynn isaga ayaa xilka iska casiley , balse madaxweynaha ayaa ka codsaday taas kadib todobaadyo ay socotey fadeexad la xiriirta in Flynn uu been ka sheegey kulan iyo xiriir uu la sameeyey safiirka Ruushka ee Maraykanka Sergei Kislyak.

Waxaa la sheegey in uu safiirka kala hadlay arrimo la xiriira cunaqabataynta Maraykanka uu horey u saaray Ruushka.

Sababta uu xilka oga dagay

Waa arrin sharci daro ah in dadka muwaadhiniinta ee Maraykanka ay farogashadaan arrimaha diblomaasiyadda Maraykanka, sidaasi darteedna markii la ogaaday in Flynn uu xiriir la sameeyey safiirka Ruushka, wax su’aal ah kama taagnayn in uu xilka isaga tago.

Waxa uu xilka hayay 23 maalmood oo kaliya, wuxuuna ka dagay 14-kii feberaayo.

Sally Yates, ku simaha xeer illaaliyaha guud

Madaxweynaha ayaa xilka ka eryay gabadhani oo lagu magacaabo Sally Yates kadib markii ay su’aal ka keentey amarkii Trump ee mabnuucista socdaalka dadka kasoo jeeda 7 dal oo muslimiin ah.

Yates oo uu horey u magacaabay madaxweyne Barack Obama ayaa sheegtey in ay tahay arrin takoor ah in dadkaasi muslimiinta ah loogu diido socdaalka diintooda darteed.

Sababka Xilka Looga Qaaday

War qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegey in Sally Yates ay hagardaamaysay wasaaradda caddaalada kadib markii ay diidey in ay dhaqangaliso amar lagu difaacayo amniga dadka Maraykanka.

Waxaa xilka laga eryay 31-dii Janaayo ee sanadkani, 10 maalmood uun kadib markii uu xilka la wareegey Donald Trump.

Preet Bharara, Dacwad Oogaha heer Federaal ee New York

Waa wax qeyru caadi ah in dacwad ooge madaxweyne hore uu magacaabay xilka laga qaado marka uu madaxweyne cusub yimaado, iyada oo ay sidaasi tahay ayaa hadana madaxweyne Trump waxa uu Preet Bharara u sheegey in uu xilkiisa haysan doono.

Ninkan ayaa waxa uu sumcad badan ku yeeshey kadib markii uu talaabooyin sharci ah ka qaaday ganacsato badan oo galay dambiyo maaliyadeed.

Markii xilka laga qaadayay waxa uu gacanta ku hayay dacwado waaweyn oo midood ay la xiriirto duqa magaalada New York Bill de Blasio.

Sababta xilka looga qaaday

Mr. Bharara waxa uu ka mid ahaa 46 dacwad ooge oo uu Trump ka dalbaday in ay xilka isaga dagaan, balse xisbiga dimoqoraadiga ayaa sheegey in si gaar ah loo eeganayay Bharara maadaamaa meelaha uu xukunkiisa gaarsiisanyahay ay ka tahay xaafadda New York ee uu ku yaalo dhismaha Trump Towers, taasina ay madaxweynaha walwal galisey.
Waxaa dib kasoo baxday in ninkani uu baaritaan ku hayay shirkadaha Trump.

Waxa uu xilka hayay todobo sano iyo todobo bilood, isagoo wax ka yar labo bilood ka hoos shaqaynayay madaxweyne Trum oo xilka ka qaaday 11-kii Maarso.

Paul Manafort, agaasimihii ololaha doorashada Trump

Waxa loo xilsaaray in uu maareeyo qalalaasihii ku furnaa ololaha Trump, balse isagii ayuu galaaftay kama dambeysti
Waxaa xilka laga eryey markii uu 5 bilood oo kaliya xilka agaasimenimada hayay .

Sababta xilka looga qaaday

Kooxda Trump ma aysan sheegin sabab cad oo xilka looga qaaday, marka laga reebo in ay soo saareen war saxaafadeed guul loogu rajeeyey.

Balse warar saxaafadda kusoo baxay maalmo ka hor intii uusan xilka ka dagin ayaa waxa ay tibaaxayeen in uu heley lacago sharci daro ah oo uu ka heley dad xiriir la leh Ruushka.

Waxaa kama dambeys xilka laga direy 19-kii Agoosto, 2016-kii.

Xigasho : BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada