Banaanbax Balaaran oo Iminka ka Socda Magaalada Miuqdisho (SAWIRRO)

Banaanbax Balaaran oo Iminka ka Socda Magaalada Miuqdisho (SAWIRRO)

daajis.com:- Waxaa hadda magaalada Muqdisho ka socda banaanbax ballaaran ay Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ay dhigayaan kaaso oo ay kaga cabanayaan dhibaatooyinka adag oo loogu gaysto wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxani ee ay wadaan wadayaasha Mootooyinka Bajaajka, ayaa wuxuu salka ku hayaa in loo diiday inay ka soo gudbaan wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho, horayna waxaa looga xiray wadooyinkii Jidcadyaasha ahaa ee xaafadaha Muqdisho dhexmari jiray.



Banaanbaxayaasha ayaa isugu yimid taalada Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay dhigeen Mootooyinkii ay ku shaqeynayeen, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ay uga cabanayaan amarada ay ku soo rogtay Dowladda Somaliya.

Qaar ka mid ah Darawalada Mootooyinka Bajaajka kaxeeya ayaa sheegay dhibaatooyin badan ay kala kulmaan ciidamada Dowladda, taasi oo ay ku sifeeyeen in caqabad lagu yahay shaqooyinka yar yar ee Magaalada ka dhex abuurteen.



Intii Banaanbaxa ay dhigaayeen wadayaasha Mootooyinka Bajaajta, ayaa waxaa goobta soo gaaray Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir oo dadkii banaanbaxa dhigaayay halkaasi kula hadlay.

Waxa uuna u sheegay in Banaanbaxayaasha ay isdajiyaan oo dhibaatada ay ka cabanayaan wax laga qabanayo, Shan ruux oo guddi ahna ay iska soo saaraan, si xarunta Dowladda hoose ay u tagaan, kadibna laga shiro caqabada haysata wadayaasha Mootooyinka Bajaajta.


Wadayaasha Mootooyinka Bajaajka ayaa sheegaya in laga horjoogo qultulyoonkii ay shaqaysanayeen, waxana dowladda ay ugu baaqeen in hadii ay shaqo kale u hayn aysan xanibaadyo kala horimaan shaqooyinka iyagu ay suubsadeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada