Daawo: Al-shabaab oo maanta Weerar Ka geysatay Gudaha Kenya

Daawo: Al-shabaab oo maanta Weerar Ka geysatay Gudaha Kenya

daajis.com:- Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday magaalladda Mandera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.

Kooxda ayaa gubtay laba gaari, waxaana la wariyay in khasaare xoog badan uu ka dhashay weerarka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin inta ay la egtahay tirada khasaaraha ka dhashay weerarka, sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha dalka Kenya.

Guddoomiyaha Mandera Fredrick Shisia, ayaa xaqiijiyay weerarka saaka ka dhacay Waqooyi bari dalka Kenya.


“Kooxda Al Shabaab ayaa tira ahaan waxaa ay gaarayeen 50, waxaana y ku yimaadeen saddex gaari oo ka yimid dhinaca dalka Soomaaliya”, sidaasi waxaa yiri dadka degaanka.

Shan maalin kadib dalka Kenya waxaa ka dhici doona doorashooyinka madaxtinimada ee dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in ay qalalaaso xooggan ay ka dhashaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada