Daawo:- Maxkamada Darajada Koowaad oo Xukuno Kala Duwan ku Riday Rag Katirsanaa Ururka Al Shabaab

Daawo:- Maxkamada Darajada Koowaad oo Xukuno Kala Duwan ku Riday Rag Katirsanaa Ururka Al Shabaab

daajis.com:- Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta Xukuno isugu jira dil iyo Xabsi daa’in waxa ay ku riday sadex nin oo lagu helay inay katirsan yihiin ururka Al Shabaab kuwaasi oo gudaha Masaajid kuyaala magaalada Baydhabo ku dhax dilay nin Sheekh ahaa.

Sadexdan nin ee Maxkamada darajada 1-aad mar kale xukunka ku riday ayaa horey racfaan uga qaatay Xukun Maxkamada horey ugu riday, waxaana Maxkamada sare mar kale ragan ku riday Xukunkii ay horey racfaanka uga qaateen.



Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun dil ah ku riday Maxamad Aadan Cali (Booroow) oo ku cadaatay in gudaha Masjid kuyaala magaalada Baydhabo ku dhax dilay Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Aliyoow oo xiligaas Salaad Tarawaiix ah dukanayay.

Waxa sidoo kale Maxkamada Ciidamada qalabka sida Xukun Xabsi daa’in ah ku riday Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) iyo Xasan C/laahi Ibraahim (Qoor-gaab) oo labaduba ku cadaatay in Al Shabaab katirsanaayeen ayna gacan ka geesteen dilka loo geestay Sheekh Madeer Madgaab Aliyoow.



Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yarow oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa maanta ku dhawaaqay Xukunka kama dambeysta ahaa ee lagu riday sadexdan nin ee ku eedeesnaa inay dilkan gaysteen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada