Dowladda oo war ka soo saartay wararka sheegaya geerida Cali Jabal

Dowladda oo war ka soo saartay wararka sheegaya geerida Cali Jabal

daajis.com:- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay warkii Caasimada Online ay goor sii horeysay shaaca ka qaaday ee ahaa in howlgalkii Tooratoorow lagu dilay guddoomiyihii Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Caasimada Online ayaa maanta noqotay warbaahintii ugu horreysay ee shaacisa warka ku saabsan geerida Cali Jabal.

“Dowladdu waxayfasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal)” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Cali Jabal ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha argagaxisada Al-Shabaab oo mus’uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM, ayaa lagu xaqiijiyey in Mareykanka ay Soomaaliya, gaar ahaa Tooratoorow ka fuliyeen weerar lagu dilay sarkaal Shabaab ah.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada