Mas'uul sare oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Kenya oo meydkiisa la helay

Mas'uul sare oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Kenya oo meydkiisa la helay

daajis.com:-Mas'uul sare oo guddiga doorashooyinka Kenya u qaabilsanaa maamulida hanaanka codeynta ee kombuuterada ayaa meydkiisa la helay iyadoo isbuuc uun ay ka harsan tahay doorashada guud.

Chris Musando, oo guddiga doorashooyinka ee IEBC u qaabilsanaa dhinaca farsamada tecknoolajiyada ayaa sameeyay hanaan uu ku sheegay in aan la jabsan karin.

Ninkan ayaa la waayay Jimcihii aan soo dhaafnay, sida uu sheegay boolisksa.
Wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa ku warramay in meydka Mr Musando la helay iyadoo jirkiisu uu jirdil ka muuqdo.

Toban arrimood oo ku saabsan doorashada Kenya

Doorashooyinkii u dambeysay ee Kenya ka dhacay 2013-kii, ayaa hanaankii codeynta iyo tirinta codadka ee ku shaqeynayay combuuterka uu guuldarreystay. Waxay taasi horseeday eedayma ah in doorashadii lagu shubtay.

Chris Msando ayaa isbuucyadii dhawaa lagu arkayay telefihsinada maxaliga ah isagoo sharraxaad ka bixinayo qalabka uu guddiga u istcimaali doono doorasahdan oo lagu tilmaamay mid aan loo hici karin.

Dhimashadiisa oo aan caddeyn sida ay ku timid isbuuc ka hor doorasahada ayaa su'aalo badan dhalin doonto.

Qiyaasihii u dmabeeyay ee soo baxay waxay sheegayaan in madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta iyo musharraxa mucaaradka Raila Odinga ay aad isaga agdhaw yihiin.

Xiisad ayaa ka taagan guud ahaan dalka iyadoo laga casbi qabo inay dalka ka dhacaan rabsahdo marka lagu dhawaaqo natiijada.

Balse khuburada ayaa saadaalinya inaysn dalka ka dhici doonin rabshado la mid ah kuwii dhacay toban sano ka hor oo 1,200 oo qof ay ku dhinteen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada