Maxaa ka jira wararka sheegaya in DFS ay dhaqaale ku bixineyso doorashada M/Somaliland

Maxaa ka jira wararka sheegaya in DFS ay dhaqaale ku bixineyso doorashada M/Somaliland

daajis.com:- Warar hoose oo aan ka helnay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumada Somaliland ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay kaalin dhaqaale ka qaadaneysa doorashada maamulka Somaliland ee dhawaan dhici doonta.

Wararku waxa ay sheegayaan in dowlada Federaalka ay dhaqaale aan cadadkeeda la sheegin gaarsiisay maamulka Somaliland, taa oo lagu biirin doono dhaqaalaha ku bixi doona howlaha doorashada.

Dowlada Federaalka ayaa waxaa dhaqaalahan usoo mariyay maamulka Somaliland xubnaha beesha caalamka ka jooga Somalia, kuwaa oo qoondo lacageed dhanka doorashada ah ugu talo galay maamulka.

Dhaqaalaha oo ilaa iyo xad kabi kara maamulka ayey dowlada Federaalka ku sheegtay in loogu talo galay ku bixinta howlaha doorashada, sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumada.

Dowlada Federaalka ayaa dhaqaale xoogan ku bixisa maamul Goboleedyada dalka taa oo lagu xaliyo dhibaatooyinka soo foodsaara, waxa ayna lacagtan qeyb ka tahay lacagaha ay dowlada ku bixiso doorashooyinka maamulada u qabsooma.

Geesta kale, Xukuumada Somalia ayaa si gaara uga fiirsan doonta qoondada dhaqaale ee loogu talo galay maamulka Somalia, sida ay dhawaan shaacisay Wasaarada Maaliyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada