Sacuudiga oo Qadar ku eedeeyay carqaladeynta xujeyda

Sacuudiga oo Qadar ku eedeeyay carqaladeynta xujeyda

daajis.com:- Malaayiin Muslimiin ah ayaa sanad kasta guta waajidka xajka Shirkadda diyaaradaha qaran ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dowladda Qadar aanay weli siin ogolaansho ah inay dalkaasi kasoo daabusho dadka doonaya in sanadkan ay soo xajiyaan.

Labada dal ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa xiisad diblomaasi, taasoo keentay in xukuumadda Riyad iyo dalal kale oo xulafo la ah ay xiriirka u jaraan Dooxa, isla markaana ka xirtaan xuduudaha dhulka, badda iyo hawada.

Dowladda Sacuudiga ayaa todobaadkii lasoo dhaafay shaacisay in ay soohdinteeda u furayso xujeyda Qadar, tallaabadaasi oo u muuqatay mid muujinaysa in xiisadda ay hadda hoos u dhacday.

Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga ayaa sheegaysa in maalmo ka hor ay u gudbisay xukuumadda Qadar codsi ah inay dalkaasi ka qaado xujeyda doonaysa inay hawada ku safraan, balse aanay wax jawaab ah helin.
Dalalka go'doomiyay Qadar ayaa ku eedeeyay inay taageerto ururo ay ku sheegeen argagixiso, eedeyntaasi oo ay beenisay xukuumadda Dooxa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada