Sawiro: Thaabit oo Gabar Sarkaalad ah u magacaabay Agaasimaha Amniga Gobolka Banaadir

Sawiro: Thaabit oo Gabar Sarkaalad ah u magacaabay Agaasimaha Amniga Gobolka Banaadir

daajis.com:-  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Taabid Cabdi Maxamed ayaa Sarkaaladii u horeysay u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Taabit ayaa u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir haweeney ka tirsaneyd ciidmada Booliska oo loogu magacaabay Col. Zakia Xuseen oo ka tirsaneyd Booliska Soomaaliyeed.

Agaasimaha cusub Zakiya Xuseen ayaa xilka kala wareegtay agaasimihii hore ee xilkan soo hayay Mahad Xuseen Maxamed, waxaana xil wareejinta uu goob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga
Col. Zakiya oo reer UK ah ayaa saddex sano ka hor ku biirtay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo ka tirsaneyd Qeybta Dambi baarista ee CID, ka hor inta aysan Booliska ka shaqeyn waxay ka tirsaneyd Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage.

Waa haweeneydii labaad oo qabata xilka Agaasimayaasha Waaxyaha Gobolka Banaadir oo xilligan ku socda is bedel iyo isku shaandheyn, waxaa la filayaa in dhowaan dhowr Haween oo kale ku soo biiraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada