Daawo Video: Diyaaaradii ugu horeysay oo Xili habeen ah 27-sano kadib Kasoo Degtay Caawa Garoonka Aadan Cadde

Daawo Video: Diyaaaradii ugu horeysay oo Xili habeen ah 27-sano kadib Kasoo Degtay Caawa Garoonka Aadan Cadde

daajis.com:- Ku dhawaad muddo 27 sano kaddib waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab kaddib markii ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.


Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey waxaana diyaaradan ay abaare 08:10  ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Imaashiyaha diyaaradan ayaa waxaa goob joog u ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo saxafiyiin ka howlgala qeybaha warbaahinta, waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdsiho maadaama diyaaradii ugu horeysay ee rakaab ah ay caawa ka soo degtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale ku howlan in ay dib u soo ceshato kootaroolka hawada Soomaaliya oo muddo dheer laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya,


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada