Raggu maxey ku jecelyihiin Dumarka Dhabarka Go’dan? Qalinkii Fanax Fariid…

Raggu maxey ku jecelyihiin Dumarka Dhabarka Go’dan? Qalinkii Fanax Fariid…

daajis.com:- Diraasad ay sameysa jaamacadda Texas ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay faahfaahin ku aaddan sababaha ay raggu u jecelyihiin dumarka dhabarka ka godan ama dhabar daacada leh, taasoo ah dhacdo cusub oo caalamka beryahan ka jirtay kana duwan sida ay ahaan jirtay waayihi hore, waxaana lagu sheegay diraasadan in markasta oo ay dumarku leedahay dhabar daaco muuqato ay raggu aad uga helaan beryahan, waxayna tusaale usoo qaateen xiddigta Kim Kardashian.

Diraasaddan waxaa lagu sheegay aragtida ragga ay ku qotonto in sida ugu fiican gabadha jirkeedu noqdo ay tahay in laf dhabarkeedu godantahay in la eg 45.5 darajo, waxayna seynisyahannadu ku magacaabeen “xagasha ugu habboon ee laf dhabarka”.

 Diraasadan waxaa lagu sameeyay 100 nin oo mutadawiciin ah, kuwaas oo loo soo bandhigay sawirro dumar leh dhabar daaco, ragga intooda badanna waxa ay doorteen sawirrada leh xagasha 45 darajo.

David Bass oo ka mid ahaa dadki diyaariyay diraasaddan waxa uu leeyahay: hab dhismeedkan laf dhabarta dumarka waxa ay u suuragelineysaa inay culeyska si siman ugu qeybiso miskaha marka ay wax sidaan, dumarka noocan ahna kuma badna jajabka laf dhabarta, sidoo kale waxaa aad ugu fudud habka naas nuujinta. Balse ragga waxa ay ku doorteen dumarkan waa rabitaanka inay helaan qoys carruur badan.

Culimada cilmu nafsiga waxa ay xaqiijiyeen in dumarka laf dhabartooda xagasheeda ka yartahay ama ka weyntahay 45 darajo ay intooda badan ku fashilmaan inay dhalaan carruur badan oo bad qabta.

Qalinkii Fanax Fariid

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada