Wasiir shaaciyay in Simikaarada ay bixiyaan Shirkadaha loo adeegsado Qaraxyada Muqdisho

Wasiir shaaciyay in Simikaarada ay bixiyaan Shirkadaha loo adeegsado Qaraxyada Muqdisho

daajis.com:- Wasiirka Boostada iyo Isgarsiinta Xukuumadda Somalia Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay wado baaritaan ku aadan Simikaarada Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgala dalka.

Wasiir Canshuur, waxa uu tilmaamay in Simikaarada ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta loo sdeegsado Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxa uu wasiirka sheegay in mararka qaar goobaha ay maleeshiyaadka ka fuliyaan Qaraxyada lagu arko Simikaaro looga qeybqaato Qaraxyada.

Waxa uu cadeeyay in DFS aysan garankarin cida saxda ah ee adeegsaneysa Simikaaradaasi, balse ay qabaan tuhun ah in looga qeybqaato fududeynta Qaraxyada.

Shirkadaha ayuu ku eedeeyay inay waxbadan kala socdaan amni darida ka jirta magaalada Muqdisho, waxa uuna carab dhabay in Kooxaha dhibaatada geysta ay qaatan Simikaarada qaar kamid ah Shirkadaha isgaarsiinta.

Wasiirka waxa uu sheegay in dowladda wixii ka dambeeya xiligaan ay ogaan doonto cida lahaanshaha Simikaaradaas.

Sidoo kale, wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Sharciga Isgaarsiinta dalka uu fududeyn doono in hal Simikaar lagu waco dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Dhinaca kale, Shirkadaha ayuu ugu baaqay inay ka fiirsadaan bixinta Simikaarada, waxa uuna ku goodiyay in sharciga la horgeyn doono Shirkadaha lagu helo baaritaanada socda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada