Xukuumadda Soomaaliya oo shegtay in Qalbi dhagax uu ka tirsana Al Qaacida Amni darana uu ka waday Dalalka East Africa

Xukuumadda Soomaaliya oo shegtay in Qalbi dhagax uu ka tirsana Al Qaacida Amni darana uu ka waday Dalalka East Africa

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya oo Qalbi Dhagax ku tilmaamtay inuu yahay argagixiso caalami ah oo adduunka dhan laga raadinayey.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yarisow oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu Qalbi Dhagax ahaa argaxiye Caalami ah oo qalqal ku hayey amniga Soomaaliya iyo wadamada Africa gaar ahaan kuwa dariska ah.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ku saxneyd go’aanka ay Qalbi Dhagax ku dhiibtay, maadaama uu yahay nin amni darro ka waday Qaaradda Africa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/raxmaa Yariisow oo Saxaafadda kula hadlay banaanka Xafiiska Raiisal Wasaaraha dalka, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay isku raacday in ONLF ay yihiin Urur argagixiso.

Wuxuu sheegay dhiibistii Dowladda Federalka Somaliya ay dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax inay aheyd heshiis horay labada Dowladood ay u kala saxiixdeen, taasi oo uu saxiixay Mahad Salaad oo horay u ahaa Wasiiru Dowlihii Madaxtooyadda Dowladii Xasan Sheekh.
Wasiir Yariisow, ayaa sheegay ONLF iyo Shabaab inay yihiin laba Urur oo isku mid ah Dowladda Somaliyana si adag ay ula dagaalameyso.

Kiiska Qalbi Dhagax oo muddooyinkaan dambe hareeyay Dowladda Federalka Somaliya ayaa ugu dambeyn Dowladda maanta banaanka ay soo dhigtay fekerkii ay ka qabtay arintaasi.

Goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay golaha  Wasiirada Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada