Daawo Video: Shacabka Kenya oo Saaka u dareeray codeynta Doorashada ku celiska ah ee Dalkaas

Daawo Video: Shacabka Kenya oo Saaka u dareeray codeynta Doorashada ku celiska ah ee Dalkaas

daajis.com:-Shacabka Kenya ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta ee doorashada ku celiska ah ee horay u go’aamisay Maxkamadda sare ee dalka Kenya.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa ciidamo la geeyay goobaha ay ka socoto cod bixinta oo ay dadka safaf dhaadheer ugu jiraan.

Goobaha cod bixinta ayaa saaka abaarihii 6-dii subaxnimo la furay, waxaana cod bixinta meelaha qaar ku bilaabatay si degan.


Hase ahaatee deegaanada ay mucaaradka ku xooggan yihiin ayaa waxaa ka bilowday rabshado, halka meelaha qaar aanay dadka guryahooda ka soo bixin.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay dadka Kenya inay codeeyaan, isla markaana ammaanka la ilaaliyo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay doorashadan ku celiska ah, isagoo ugu baaqay taageerayaashiisa in aysan codeyn.

Horaantii bishii September ayay aheyd markii Maxkamadda sare ee dalka Kenya ay laashay natiijadii doorashadii 8 August uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta, waxaana Maxkamaddu ku amartay in la qabto doorasho ku celis ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada