Farmaajo oo 3 arrin uga dheereeyay dowladii hore ee Xasan Sheekh (Akhriso Maxay yihiin)

Farmaajo oo 3 arrin uga dheereeyay dowladii hore ee Xasan Sheekh (Akhriso Maxay yihiin)

daajis.com:- Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa wada qorsho ay uga mirro dhalineyso Siyaasadeede ku aadan hirgalinta ajandooyinka horyaal afarta sano ee soo socta.

Dowlada Federaalka ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa ka halis badan dowladii hore ee Somalia isla markaana uu hogaaminaayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowlada Farmaajo ayaa inta aysan sana jirsan hirgalisay ajandooyinka qaar, waxaana harsan kuwo dhowr ah oo wajiyo badan la gala kulmi doono.

Dowlada Farmaajo ayaa mudada ay jiro culeyska saartay xakameynta maamul Goboleedyada oo ah halkii laga fashiliyay dowladii hore ee dhacday, waxa ayna dowladaani aaminsan tahay inay halis badan yihiin maamulada jira.

Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasada ayaa qaba in dowlada Farmaajo aysan lamid aheyn dowladii hore ee Xasan Sheekh, oo la rumeysan yahay inay ku dhisneyd Xisbiyo.

Waxa ay qabaan dadka ku xeeldheer Siyaasada in dowladii hore ay u jilicsaneyd maamul Goboleedyada iyo dowladaha dariska la ah Somalia sida Ethiopia iyo Kenya oo dhulal ka heysta Somalia.

Dowladii hore waxa ay sidoo kale si toosa uga tallo qaadan jirtay dowlada Ethiopia oo la rumeysnaa inay laheyd fekerka xil ka qaadista iyo magacaabida uu sameyn jiray Xasan Sheekh.

Dowlada Farmaajo ee hadda jirta ayaa dowladii Xasan Sheekh kaga dheereysay 3 arrimood oo kala ah:-

1- Xakameynta maamul Goboleedyada ka jira dalka, halka xili hore maamuladu ay ahaayen kuwo u talin jiray dowladihii hore.

2-Xakameynta faragalinta ay Ethiopia iyo Kenya ku hayeen Siyaasada Somalia iyo in xiriirka dowladahaasi kala dhexeeya maamul Goboleedyada ay dhex dhexaad ka noqoto dowlada FS.

Waxaa caado ahaan jirtay in dowladaha Ethiopia iyo Kenya ay maamushaan Siyaasada dalka, gaar ahaan maamul Goboleedyada, halka dowladaani ay xakameysay dowladahaasi.

3-Xoojinta Siyaasada dibadda, waxaana xusid mudan in dowlada Farmaajo ay muddo kooban ku kasbatay Siyaasada dibadda, oo markii hore aheyd mid daciif ah.

Sidoo kale, dowlada Farmaajo ayaa ku ad adag go’aan ka gaarista howlaha Siyaasadeed ee khuseeya dalka, iyadoo aan laheyn ka laabasho.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada hadda jirta iyo dowladii hore ayaa ku kala duwan dhanka Siyaasada, waxaana aad u meyl adag dowlada iminka jirta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada