Maqaarka dameeraha oo qaali ka noqday dalka Shiinaha iyadoo loo isticmaalo daawo

Maqaarka dameeraha oo qaali ka noqday dalka Shiinaha iyadoo loo isticmaalo daawo

daajis.com:- Dameeraha ayaa haatan waxaa soo wajahaya dhibaato aysan hore u qabin kadib markii ay kordheen dalabka ah in la gowraco maqaarkana laga bixiyo iyadoo dalka Shiinaha laga sameeyo maqaarka dameeraha daawo.

Sidoo kale hilibka dameeraha ayaa noqday mid laga jecel yahay dalal badan oo caalamka ka mid ah, waxaana haatan la sheegayaa in ay dameeraha ay aad ugu yaraadeen dalka Shiinaha  haatana ganacsatada dalkaas ay bilaabeen inay ka soo iibsadaan dalal ku yaal qaarada Afrika.

Dalalka qaarada Afrika ayaa  haatan waxaa soo wajahaya dhibaato ah in dameer la’aan ay ka dhacdo iyadoo dameeruhu ay dalal badan oo ka mid ah qaarada Afrika uu u  yahay gaadiid isla markaana dhinaca beeraha loogaga faa’ideysto.

Dalka Zimbabwe ayaa haatan la qorsheynayaa in laga furo kawaan lagu gowraco  dameeraha sidoo kale dalka Kenya ayaa hore looga hirgeliyay kawaano lagu gowraco dameeraha hilibkiisa iyo maqaarkiisana dibada loo iibgeeyo.

Sida ay sheegtay hay’ad saldhigeedu yahay dalka UK oo dameeraha xanaaneysa, illaa iyo 1.8milyan oo maqaarta dameeraha ah ayaa sanad walba lagu iibiyaa suuqo ku yaal caalmka balse waxaa soo kordhaya haatan dalabkaas oo waxaa uu sare ugu kacay illaa iyo `10 million.

Dameeraha dalka Shiinaha ku noolaa ayaa hoos u dhac ku yimid iyadoo la sheegay in sanadkii 1990kii ay ku noolaayeen 11 malyan halka ay haatan ay ku nool yihiin 3 malyan.

Ejiao oo loo yaqaan dheecaanka ka soo baxa  maqaarka dameeraha oo la karkariyay ayaa halkii kiilo waxaa lagu kala iibsanayaa suuqyada dalka Shiinaha lacag gaareysa $388 (£300).
Dalalka Uganda, Tanzania, Botswana, Niger, Burkina Faso, Mali iyo Senegal ayaa  ka mamnuucay wadamadooda in dameeraha loo dhoofiyo dalka Shiinaha.

Hase yeeshee dalka Kenya ayaa waxaa laga furay saddex kawaan  oo lagu gowraco  dameeraha iyadoo maalin walba lagu gowraco 150 dameer.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada