MUUQAAL: Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xadhiga Ka jaray Saldhiga Milateri ee Turkigu Ka dhistay Muqdisho

MUUQAAL: Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xadhiga Ka jaray Saldhiga Milateri ee Turkigu Ka dhistay Muqdisho

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xarigga ka jaray Saldhigga Milateri uu Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda Furitaanka Saldhiggan oo goor dhow soo gaba gabowday ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, saraakiil ka kala socday Turkiga iyo Soomaaliya.


Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada Turkiga, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray sladhiggan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waday inuu xarigga ka jaro Saldhigga, sida ka muuqatay jadwalka furitaanka xaruntan oo saaka lagu xardhay hoolka ay ka dhaceysay munaasabadda.

Saraakiisha Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaasha Saldhiggan iyo howlaha uu qaban doono, iyadoo lagu wado in dhowaan lagu arkayo in ka badna 1,500 askari oo lagu tababari doono xerada.

Saldhiggan ayaa u dhameystiran dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka ahaa, sida guryaha la dejinayo ciidamada la tababarayo, garoon kubadda cagta, K/koleyga, teeniska, qeyb orodka, masaajid iyo goobo kale oo ciidamada lagu tababarayo.

Waa saldhigii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana saldhiggan loo dhisay qaab casir ah, waxaana ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Turkiga oo wata gaadiidkooda gaashaaman.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Brothers Group, Published at 02:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Google+ Followers