SAWIRRO: Dhaawacyadii Qaraxii Zoobe oo Loo qaaday Dalka Turkiga (Daawo)

SAWIRRO: Dhaawacyadii Qaraxii Zoobe oo Loo qaaday Dalka Turkiga (Daawo)

daajis.com:-Diyaarado uu Turkiga soo diray ayaa goor dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qaaday dhaawacyo fara badan oo ku dhaawacmay qaraxii argagixiso ee Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Diyaarad Milateri ayaa dadka dhaawacyada halista ah lagu qaaday, waxaana sii sagootiyay Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha wasiirada iyo Guddiga gurmadka.

Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaadanayay daabulida dadka dhaawacyada qaba oo saaka gawaari ambalaas looga soo qaaday isbitaalada kala duwna ee Muqdisho.

Warar horu dhac ayaa sheegaya in dhaawacyada la qaaday ay gaarayaan illaa labaatameeyo oo ahaa kuwo xaaladooda ay culus tahay.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in dhaawacyo kale la qaado, iyadoo gurmadka uu yahay mid aan kala go’ laheyn.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan Dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa saaka soo gaaray Muqdisho, si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay qaraxa.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad gurmad iyo baroor diiq qaran, waxaa la joojiyay dhamaan howlihii caadiga ahaa ee Wasaaradaha, waxaana la ballaariyay gurmadka dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Zoobe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada