Wasiir Yuusuf Garaad oo warbixin xasaasi ah ka qoray Safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Dadlka Dariska

Wasiir Yuusuf Garaad oo warbixin xasaasi ah ka qoray Safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Dadlka Dariska

daajis.com:-Socdaal diblomaasiyadeed oo uu horseed ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaan midkiiba habeen ku soo hoyannay saddexda caasimadood ee Uganda, Kampala; Ethiopia, Addis Ababa iyo Djibouti. Djibouti.

Dowladda Soomaaliyeed waxay heshay taageero xag diblomaasiyadeed iyo xag militeri si la isaga kaashado nabadeynta dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay wehliyaan Wasiirro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda iyo Gaashnaadhigga iyo Taliyayaha Militeriga Djibouti, ayaan shalay wadahadal ku yeelannay caasimadda Djibouti.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo hoggaaminayay wafdiga ayaa uga xog warramay khasaaraha culus ee naf iyo maalba leh ee shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaray weerarkii 14-ka Oktoobar.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha iyo isku dhafka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo awoodda ciidan ee dalku uu  maanta leeyahay.  Sidoo kale wuxuu ka warramay qorshayaasha la xiriira sidii dalka loo nabadeyn lahaa iyo kaalinta ay Ciidanka Djibouti ee walaalaha aan nahay kana tirsan AMISOM ay ka qaadan karaan marka laga daro inta ay hadda hayaan.

Is xog wareysi kaas la mid ah ayaan dorraad magaalada Addis Ababa kula yeelannay mas’uuliyiinta Ethiopia oo uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desaleng, oo isla markaana ah Guddoomiyaha IGAD.

Maalin ka ka horna waxaan joognay magaalada Kampala halkaas oo Madaxweyne Museveni iyo mas’uuliyiin Dowladdiisa iyo Saraakiil Sare oo militeri aan isla mowduucaas ka wadahadalnay.

Is afgarad buuxa ayaa laga gaaray iskaashiga ciidanka AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan nabadeynta Soomaaliya.  Waxaana la isku af gartay in Wasaaradaha Difaaca iyo Talisyada ciidammadu ay ka wadashaqeeyaan meelmarinta waxyaabaha ay isku af garteen hoggaamiyayashu.

Madaxda dalalka aan booqannay waxay dhammaantood muujiyeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Dowladda, Ciidammada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiiru Dowlaha ahna sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, La Taliyaha Madaxweynaha ee Difaaca iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda.
Madaxweynaha iyo wafdigiisu maanta ayay ku soo laabteen Muqdisho, halkaas oo uu Madaxweynuhu saxaafadda ugaga warramay Socdaalka Saddexda Habeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada