Daawo: Nabarada Qarsoon ee Qaraxii Soobe Reebey iyo Wiil ku Waashay oo Hooyadii dilaya ! Sidee Wax u dhaceen

Daawo: Nabarada Qarsoon ee Qaraxii Soobe Reebey iyo Wiil ku Waashay oo Hooyadii dilaya ! Sidee Wax u dhaceen

daajis.com:- Waxaa weli muuqda raadadka uu reebay Qaraxii 14 Bishii hore ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayen ku dhawaad 400 ruux.

Tirada dadka ku geeriyooday Qaraxa ayaa waxaa dheer tirro intaa ku dhow oo nolol iyo geeriba lagu la’ yahay kuwaa oo hilbahooda uu raacay qalfoofta gaariga Qarxay.

Dhibaatooyinka ka dhashay Qaraxa kuma ekeen Geeri iyo Dhaawac, balse waxaa jiray tirro dada oo ku waashay jugta Qaraxa kuwaa oo iminka qaarkood ku xirxiran goobaha Qur’aan saarka, halka qaarna ay yihiin kuwo duruuf kula xiran guryahooda.


Raage Axmed Ceynab waxa uu kamid ahaa dadka Qaraxa ku waayey Maskaxdiisa waxa uuna xiliga Qaraxa ahaa mid ku sugnaa goobta uu Qaraxa ka dhacay ee Isgooyska Zoobe.

Xanuunka uu ka qaaday Qaraxa ee maskax la’aanta ah ayaa sabab u noqday inuu u gacan qaado reerkiisa, waxaana xusid mudan in aabihii dhalay uu yahay mid aan laheyn indho uu wax ku arko.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada