Daawo yaab: Nin ka tisanaa Al-shabaab oo Muqdisho Askari ku dilay & Askarigii Oo intaanu dhiman isna dilay

Daawo yaab: Nin ka tisanaa Al-shabaab oo Muqdisho Askari ku dilay & Askarigii Oo intaanu dhiman isna dilay

daajis.com:-  Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ka hor inta uusan Geeriyoonin Askarigaan uu isaguna dilay
Nin ka tirsanaa Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday.


Ninka shabaabka ahaa ee dilka geystay ayaa ku hubeysnaa bastoolad waxa uuna muddo kooban kadib u dhintay dhaawac kasoo gaaray iska caabin uu kala kulmay Askariga marxuumka ah ee ka tirsanaa minishiibiyada.

Meydka ninka Alshabaabka ahaa ee markiisii hore dilay Askariga ayaa waxaa meydkiisii la dhigay laamiga Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada Muqdisho.

Arintaan ayaa ah dhacdo ku cusub deegaanka waxaana aad u hadal haya dadka deegaanka, maadaama ay is dileen Askariga iyo ruuxii shabaabka ahaa.

Masuuliyiin ka tirsan Dawladda ayaa sheegay inuusan Baxsan doonin Qof shabaab ka tirsan oo wax dila, iyo hadii aanu waxba dilin, Ilaa uu isku dhiibo Dawladda Mooyee.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada