DaawoWar Naxdin leh: Muslimiin Gaareeysa 235-Ruux oo lagu dilay Masaajid ku yaala dalka Masar Salaadii Jimcaha iyo Khasaare Ba’an

DaawoWar Naxdin leh: Muslimiin Gaareeysa 235-Ruux oo lagu dilay Masaajid ku yaala dalka Masar Salaadii Jimcaha iyo Khasaare Ba’an

daajis.com:-Illaa 235 ruux ayaa lagu dilay masaajid ku yaala waqooyiga Gobolka Sinai ee dalka Masar, kaddib markii rag hubeysan ay ku qaadeen weerar isugu jiray qarax iyo rasaas.

Masaajidka Al-Rawda oo ku yaal magaalada Bir Al-Abed oo ku dhow Al Arish ayaa la weeraray salaadii jimcaha ee maanta, waxaana  Ragga weerarka fuliyay ay beegsadeen dadka ku cibaadeysanayay masaajidka, iyagoo adeegsanayay rasaas iyo bambaanooyin.

Waa dhimashadii ugu badnaa ee ka dhacda Gacanka Sinai, tan iyo sanadkii 2013, markii kooxaha Islaamiyiinta ay kordhiyeen weerarada.


Madaxweynaha Masar Abdul Fattah Al-Sisi ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah saraakiishiisa Ammaanka, si ay uga jawaabaan xaalada ku soo korortay dalka.

Masar ayaa dagaal kula jirta Kooxo Islaamiyiin ah oo xiriir la he Ururka Daacish, waxaana horay sheegteen weeraro ka dhacay gacanka Sinai iyo qeybo ka mid ah dalka Masar oo lala beegsaday Ciidamada ammaanka dalkaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada