Farmaajo oo ugu hambaliyeeyay Kenyatta guusha uu ka gaaray Doorashadii ku celiska aheyd

Farmaajo oo ugu hambaliyeeyay Kenyatta guusha uu ka gaaray Doorashadii ku celiska aheyd

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee todobaadkii hore ka dhacday dalkaas.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan dowladda iyo shacabka Kenya ugu hambaliyeynayaa guusha dimuqraadiyadeed ee ay gaareen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta inay sii xoojin doonto xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga doorashada Kenya ayaa shalay ku dhawaaqay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guuleystay doorashada, inkastoo muran badan la gelinayo natiijadaas, kaddib markii mucaaradka ay horay u qaadaceen.
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa todobaadyo ka hor ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada Kenya, waxaana deegaanada uu ka soo jeeda aanay ka dhicin wax cod bixin ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada