MUUQAAL: Masar oo Bilowday Duqayn Ba’an, Kadib Weerarkii ay ku dhinteen in ka badan 300 oo Qof shalay

MUUQAAL: Masar oo Bilowday Duqayn Ba’an, Kadib Weerarkii ay ku dhinteen in ka badan 300 oo Qof shalay

daajis.com:- Saraakiisha Masaarida ee baaraya xasuuqa dadkii lagu laayey masjid ku yaalla Siinaay ayaa sheegay in qolyihii weerarka qaaday ay siteen calanka kooxda dawladda islaamiga.

Ilaa 305 qof ayaa weerarka ku dhintay, kaasoo la qaaday intii lagu jiray salaaddii Jimcaha, welina ma jirto cid sheegatay.

Dacwad soo oogaha Masar wuxuu sheegay in ilaa 30 qof ay weerarka qaadeen.

Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi ayaa wacad ku maray inuu ku jawaabi doono “awoodda ugu sarraysa”.

Milateriga Masar wuxuu sheegay inuu weerarro xagga cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo “argagixiso”.


Xoogagga amniga ee Masar ayaa muddo sanooyin ah dagaal kula jiray kacdoon islaamiyiin oo ka jiray gacan biyoodka Siinaay, mintidiin gacan saar la leh kooxda dawladda islaamiga (IS) waxay ka dambeeyeen tiro weerarro lagu dhintay ah oo ka dhacay gobolkaas lama degaanka ku yaalla.

Masjidka Al-Rowda ayaa qaraxyo lagu weeraray, ka dibna tiro dabley ah oo banaanka joogay ayaa rasaas oodda uga qaaday dadkii badbaaday ee cararayey. Qaarkood ragga weerarka qaaday wajiga ayaa u daboolnaa, waxayna xirnaayeen dhar kan milateriga u eg. Daaqadaha iyo albaabada ayaa la sheegay inay dadka ka tooganayeen.

Raggaas waxay sida muuqata dab qabadsiiyeen gawaari halkaa taallay, si ay u xannibaan in dhismaha la galo, waxayna rasaas ku rideen gawaarida gargaarka degdegga ah.

30 carruur ah ayaa ku jiray dadka dhintay, tiro 100 ka bandanna way ku dhaawacmeen


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada