QM: Hindiya waxaa ay sameysaa waxyaabaha Al-shabaab u adeegsadaan Qaraxyada

QM: Hindiya waxaa ay sameysaa waxyaabaha Al-shabaab u adeegsadaan Qaraxyada

daajis.com:- Qaramada Midoobey ayaa Sharikad fadhigeedu yahay dalka Hindiya ku eedeysay in ay sameyso waxyaabaha qarxa ee inta badan lagu fuliyo weerarrada ka dhaca Soomaaliya.

Kooxda dabagalka waxaa ay sheegtay in qaraxyadii ugu badnaa ee Sanadihii la soo dhaafay ka dhacayay Soomaaliya lagu fuliyay agabyo waxyaabaha qarxa ah oo lagu farsameeyay Dalka Hindiya,waxaana Al-shabaab loo soo mariyay badda.



Warbixinta kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayey ku sheegeen in bilihii April iyo May ee Sanadkan ay heleen Waxyaabaha qarxa oo laga soo dhoofiyay Hindiya laguna qabtay meelo ka mid ah Soomaaliya sida Puntland.

Hubka la qabtay ayaa lagu sheegay in ay farsameysay Sharikadda C-Det,taas oo sameysa waxyaabaha qarxa,agabka Korontada iyo Tignolojiyadda.



Kooxda dabagalka waxaa ay sheegtay in tan iyo 2013kii ay la socdeen in inta u dhaxeysa Magaalooyinka Laas Qori iyo Qandala Al-shabaab uga soo dagayay hub fara badan kaas oo dhinaca dalka Hindiya ka soo galayay Soomaaliya.

Warbixintu waxaa ay sheegeysaa in Labo Qof oo midi Soomaali yahay kana mid ah Baarlamaanka Maamulka SOmaliland laguna magacaabo Maxamed Axmed Maxamuud  iyo Anwar Axmed oo Jabuuti uga diiwaangeshay sirdoon ayaa u sheegay kooxda dabagalka in  Hubka Hindiya lagu farsameeyay ee Al-shabaab loo soo mariyay Dalka Yemen sidoo kalena la soo gaarsiiyay xeebaha Qandalada iyo Laas qori.

Waxaa kale oo ay warbixinta xaqiijineysaa in Bangi laga leeyahay Dalka Yemen uu fududeeyay bixinta lacagta xamuulka ah ee Hubka lagu soo daabulo,kaas oo Magaciisa lagu sheegay Salba Islamic Bank oo ku yaalla Sanca.
Bishii July  ee 2013kii Qaraxyo ka dhacay Marka oo shabeellaha hoose ah iyo Degmada Hodon ee Muqdisho ayaa Kooxda dabagalku sheegtay in ay ka heshay haraadiga qaraxyadaas in ay farsameysay Sharikadda C-Det ee Dalka Hidniya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada