Daawo: Erdogan oo jawaab kulul siiyey Mareykanka kadib Maxkamadeyntii ka billaabatay New York iyo Waxa dhacay

Daawo: Erdogan oo jawaab kulul siiyey Mareykanka kadib Maxkamadeyntii ka billaabatay New York iyo Waxa dhacay

daajis.com:-  Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay maxkamadaha Mareykanka inaysan awood u lahayn inay maxkamadeeyaan dalka Turkiga, xilli kiis xasaasi ah uu ka socdo New York.

Xiriirka Mareykanka iyo Turkiga ayaa sii xumaanaya, waxaana ugu dambeysay markii nin Turkish oo ka ganacsada dahabka laguna magacaabo Reza Zarrab uu soo horistaagay maxkamadda New York, isaga oo Turkiga ku eedeeyey iay jebiyeen cunaqabateynta Mareykanka ee Iran.

Zerrab ayaa sheegay in Erdogan uu laba Banki oo Turkish ah ku amray inay ka qeyb galaan qorshe si sharci darro ah la isku dhaafiyey lacago la xiriira saliidda Iran.

Erdogan ayaa kiiskan ku qeexay shirqool ka dhan ah dhaqaalaha Turkiga oo lagu wiiqayo, uuna qeyb ka yahay wadaadka baxsadka ah ee Fethullah Gulen.


“Mareykanka ha ogaadaan inaysan marnaba dalkeyga maxkamadeyn karin” ayuu yiri Erdogan.

Waxa uu sheegay in kiiskan uu yahay mid siyaasadeysan oo ka dhan ah dowladda Turkiga, waxaya Turkiga la wareegeen hantida ninka Turkishka ah ee ka hor marqaati furaya maxkamadda New York.’



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada