Daawo Muuqaal: Dawladda Qadar oo soo Bandhigtay Dhoolatus dad badan ka yaabiyey iyo Awooda Ciidan

Daawo Muuqaal: Dawladda Qadar oo soo Bandhigtay Dhoolatus dad badan ka yaabiyey iyo Awooda Ciidan

daajis.com:- Dalka Qadar ayaa siwayn Looga Dabaal-dagay Munaasibad 18-December Taasi oo ku beegan Markii la Aasaasay Dawladda Qatar, Iyadoona Maanta ay soo Bandhigtay Awooda Ciidamada kala duwan, ee Cirka, Dhulka iyo Badda kuwaasi oo isugu jira Qaybo kala duwan, Waxayna Gaar-dis ku mareen Wadooyinka waawayn.


Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al-thani iyo Madaxda kala duwan Dawladda Qatar ayaa goob joog u ahaa Munaasibadan, Waxaana sidoo kale kasoo Qayb galay Madax iyo Masuuliyiin ka socday Safaaradaha Caalamka ee ka howlgala Dalka Qatar, Kuwaasi oo Shacabka iyo Dawladda Qatar ugu Hambalyeeyay Munaasibada 18-ka Diicmebar.

Dabaaldegan iyo Dhoolatuska Balaadhan ay soo Bandhigtay Dawladda Qatar ayaa wuxuu kusoo Beegmayaa Xili Dhowaan Dawladaha Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay Xidhiidhka Diblumaasiyeed u jareen dalka Qadar, Iyadoona Wixii markaasi ka dambeeyay Dawladda Qatar ay Xooga saartay inay Gaadho isku Filnaasho Buuxa dhinackastaba, Taasi oo keentay inaan dalka laga dareemin Culaysyadii la doonayo inuu Wajaho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada