Mareykanka oo ka digay Falastiiniyiinta Inay baajiyaan kulanka Mike Pence

Mareykanka oo ka digay Falastiiniyiinta Inay baajiyaan kulanka Mike Pence

daajis.com:- Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa uga digay dowladda Falastiin inay hakiyaan kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.

Digniinta Mareykanka ayaa imaaneysa kaddib warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Xubin sare oo ka mid ah xisbiga madaxweyne Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus.

Mr Pence ayaa lagu wadaa inuu booqdo Bariga Dhexe, dhammaadka bishan.

Kolsii horeysay, in ka badan 30 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay isku dhacyo ku dhexmaray ciidamadda Israa’iil iyo dibad-baxayaal Falstiiniyiin ah, magaalada la heysto ee Daanta Galbeed.

Dibab-baxayaasha reer Falastiin ayaa ka careysnaa go’aankii madaxweyne Trump uu ugu dhawaaqay Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.
Sikastaba, Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka uu sidiisa u dhici doono

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada