Muuqaal: Australia oo Qabatay Basaas Waqooyiga Kuuriya u dhashay

Muuqaal: Australia oo Qabatay Basaas Waqooyiga Kuuriya u dhashay

daajis.com:- Dowladda Australia ayaa sheegtay inay xirtay nin lagu sheegay inuu basaas u ahaa Dowladda Waqooyiga Kuuriya.

Chan Han Choi oo 59 jir ah ayaa loo haystaa sidoo kale inuu ka shaqaynayay dhoofinta hubka wax baabi’iya.

Waxaana boolisku ay sheegayaan in ninkani uu jabiyay sharciga Qaramadda Midoobay iyo kan dalka Austarlia.

Dacwadan ninkan oo Austarlia deganaa mudo 30 sano ah ayaa noqonaysa tii ugu horeeyey ee caykanoo kale ah.

Booliska Australia ayaa intaasi raaciyay inay hayaan cadaymo muujinaya in ninkani uu xiriir la sameeyey saraakiil sare oo dalka Waqooyiga Kuuriya jooga.


Balse waxaa la sheegayaa in ficilada ninkani loo haysto aysan wax qatar ah ku keenayn dalka Austarlia

Waxaa laga yaabaa in ninkani haddii lagu helo dambigan uu mutaysto xarig ilaa 10 sano ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada