MUUQAAL: Yuhuuda oo Duqayn iyo Weerar toos ah ku bilowday Shacabka FALASTIIN Iyo Waxa dhacay

MUUQAAL: Yuhuuda oo Duqayn iyo Weerar toos ah ku bilowday Shacabka FALASTIIN Iyo Waxa dhacay

daajis.com:- Diyaaraha dagaalka ee Israel ayaa saaka aroortii duqeyn ku bartilmaameedsaday bakhaaro ay Israel sheegtay inay leeyihiin garabka hubeysan ee ururka Hamaas ee magaalada Gaza, waxayna talaabadan Israel sheegtay inay uga aargudanayso gantaallo dhinaca Gaza looga soo tuuray oo ku dhacay koonfurta Israel.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay subaxnimadii hore ee Sabtida duqeeyeen goob hubka lagu sameeyo iyo bakhaar rasaasta lagu kaydiyo, Gantaallada ayaa Israa’iil lagaga soo riday dhanka Qaza mid ka mid ahna wuxuu ku dhacay magaalada koonfurta ku taalla ee Sderot.

Xiisadda ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sare u kacay tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.


Go’aaankaas uu Arbacadii gaaray ayuu kaga baxay siyaasad uu Maraykanku dhexdhexaad kaga ahaa arrintan muddo tobannaan sano ah.

Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus in ay caasimaddeeda tahay, halka Falastiiniyiintyna ay ka sheegtaan in Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967dii in ay tahay caasimadda dawlada ay mustaqbalka yeelan doonaan.


Dhinaca kale Ciidamada Israaiil ayaa Weerar toos ah ku qaaday qaar kamid ah goobaha ku Sugan yihiin dadka Shacabka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada