MW Farmaajo oo Pakistan uga tacsiyeeyay Askartii 1993dii looga dilay Muqdisho

MW Farmaajo oo Pakistan uga tacsiyeeyay Askartii 1993dii looga dilay Muqdisho

daajis.com:Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dalka Turkiga kulan kula qaatay Ra’isalwasaaraha Dalka Pakistan, Shaahid Khaan Cabaasi,waxaana ay ka wada hadleen xiriirka,Ganacsiga,amaanka, iyo taageerada Pakistan ee Somaliya.

Ra’isalwasaare Khan ayaa sheegay in Soomaaliya ay ahaan jirtay isha Pakistaan u marto Afrika dhinaca Ganacsiga,waxaana uu xusay in dekadaha Soomaaliya iyo pakistaan toos isugu xirnaan jireen.

Waxaa kale oo uu mr Cabaasi ballan qaaday in dowladda Soomaaliya uu ka caawinayo amniga isaga oo ka qeyb qaadanaya tababarka Ciidamada amaanka S0omaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isalwasaare Shaahid iyo Dowladda Pakistaan uga mahad celiyay garab istaagooda Soomaaliya,xiriirka labada dal hadda ka dhaxeeya iyo sida dowladda Pakistaan u garab taagan tahay Soomaaliya.
Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu Ra’isalwasaaraha Pakistaan Shaahid Khaan uga tacsiyadeeyay dhimashada 24 Askari oo dalka Pakistan uga dhimatay Muqdisho Sanadkii 1993kii,xilligaas oo Ciidanka Pakistaan ay ka mid ahaayeen howlgalkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee UNISOM.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada