Sacuudiga oo siidaayey Maalqabeenka reer Falastiin Sabih al-Masri (Muuqaal)

Sacuudiga oo siidaayey Maalqabeenka reer Falastiin Sabih al-Masri (Muuqaal)

daajis.com:-Dowlada Sacuudiga ayaa Axadii shalay Xabsiga kasii deysay Maalqabeenka u dhashay Falastiin ee Sabih al-Masri oo xabsiga loo taxaabay Arbacadii lasoo dhaafay.

Sabih al-Masri oo ah bilyaneer heysta dhalashada dalalka Urdun (Jordan) iyo Sacuudiga ayaa xiliga la qabtay safar gaaban ku tagay wadanka Sacuudiga.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay inay wareysi kala yeelaneyso arrimaha musuq maasuqa, xili dalkaasi lagu xiray in badan oo kamid ah Amiirada qoyska Boqortooyada Sacuudiga oo loo heysto arrimo musuq maasuq.

Maalqabeenkan ayaa kamid ah ragga ugu dhaqaalaha badan bariga dhexe, isla markaana kamid ah mulkiilayaasha Arab Bank oo xaruntoodu tahay dalka Urdun. Wuxuu sidoo kale kamid yahay mulkiilayaasha shirkadaha isgaarsiinta kala duwan oo ka hawlgala dalalka carabta.

Weli macada inuu ninkaasi dib ugu noqday dalka Urdun oo uu degen yahay ama in weli uu ku sugan yahay gudaha wadanka Sacuudiga.


Xarigiisa ayaa kusoo beegmaysa xili la sheegayo in xiisadi soo kala dhex gashay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Boqorka dalka Urdun Cabdallah oo isku khilaafsan siyaasada bariga dhexe.

Arab Bank oo ah bangiga uu madaxa u yahay Sabih al-Masri ayaa ah isha dhaqaalaha oo ay deynta ka qaataan Wasaaradaha dowlada Jordan (Urdun).


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada