Sheikh Nuur Baaruud “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto oo Waxba yaan la siinin” (Daawo Muuqaal)

Sheikh Nuur Baaruud “Xildhibaannada Mooshinka wada cunaha halla qabto oo Waxba yaan la siinin” (Daawo Muuqaal)

daajis.com:- Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiye ku xigeenla Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo xalay ka hadlayay madal uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku soo bandhigayay waxqabadka Xukuumaddiisa ayaa sheegay Xildhibaannada Mooshinka wada ay yihiin cadow ah, islamarkaana loo baahanyahay in laga hortago.


“Xildhibaanada ha laga soo Mantajiyo Lacagta laaluushka ah ee ay Khal-khalka Nolosha ku gelinayaan , Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isalwasaare Kheyre waxaa leeyahay Mooshinka yaan lacag lagu bixinin, Shacabka ayaa ku filan ” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud oo Ra’isalwasaaraha iyo Madaxweynaha ugu baaqay in aysan lacag siin Xildhibaannada.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekh Nuur Baaruud in marka mooshinka iyo isdiidka siyaasadeed jiro uu amniga dalku qal qal galo,isaga oo taas ka duulayana waxaa uu ku baaqay in Xildhibaannadaas la iska dhiciyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada