Soomaaliya oo Kaalinta 8-aad ka Gashay Dowladaha Carbeed ee Mareykanka Taageerada ka hela.

Soomaaliya oo Kaalinta 8-aad ka Gashay Dowladaha Carbeed ee Mareykanka Taageerada ka hela.

daajis.com:- Liiskaan wadamada Carbeed ee kaalmada ka hela Mareykanka oo ay kasoo dhex muuqatay Soomaaliya ayee Dowladuhu ugu kala horeeyeen:-

1-Ciraaq, 2-Masar, 3-Urdun ama Jordan, 4-Siiriya, 5-Falastiin, 6-Lubnaan, 7-Yemen, 8-Soomaaliya, 9-Suudaan, 10-Tuniisiya, 11-Morocco ama Maqrib, 12-Liibiya, 13-Aljeeriya ama Jazaair, 14-Murutaaniya, 15-Baxreyn, 16-Saldalada Cumaan, 17-Isku tagga Imaaraatka Carabta, 18-Boqortooyada Sacuudiga, 19-Kuwait iyo 20-Qatar.

Dowladahaan Carbeed ayaa Malaayiin Doolar ka helaye Dowladda Mareykanka, waxa uuna Maamulka Madaxweyne Trump ugu Cagta Jugleeyey in Wadamadaan oo kahor yimiid in Quddus ay noqoto Caasimadda Israel uu ka jaran Doono Kaalmada uu siiyo, hadii aysan ka laaban diidamada ay kala hor yimaadeen ee Qadiyadda Quddus ku saabsan.

Marka aaan si gaar ah u eegno Warbixinta Lacagaha ay ka qortay Soomaaliya ee Mareykanka ay ka helo ayaa lagu sheegay in ay tixane aheyd tan iyo sanadii 2012-kii, oo Soomaalidu ay ka baxeen Nidaamkii Dowladihii KMG ahaa ee Muddo lagu soo dhisaye Dowladihii ka dambeeyey Bur-burka.

Soomaaliya oo liiskaan kasoo gashay kaalinta 8-aad ee gaarto Kaalmada Dowladda Mareykanka ayaa sidaan u qorneyd:-

Soomaaliya ayaa heshay $274.7 milyan oo Doollar, oo ay ku jirto $174 milyan oo gargaar ah iyo Cuntada gargaarka, iyo $43 milyan oo loogu talagalay hawlgalka ammaanka.
Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa weli ah mid degan, iyadoo 2012 ay gaartay $469 milyan oo Doollar, waxayna xiligaasi aheyd Markii Mareykanka oo aqoonsaday Dowladii ugu horeysay tan iyo Bur-burkii dalka in ay ka baxday Nidaamka Federaalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada