Akhriso Sheekh Xasan Daahir oo farriin xasaasi ah u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda Federaalka

Akhriso Sheekh Xasan Daahir oo farriin xasaasi ah u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Dowladda Federaalka

daajis.com:- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mida hoggaamiyeyaasha Xisbul islaam iyo Alshabaab oo xabsi guri ugu jira dowladda Federalka ayaa soo saaray muuqaal video kale oo uu uga hadlayo xaaladda dalka.

Sheekh Xasan Daahir ayaa muuqaalka uu soo duubay farriin ugu diray kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan inay qabiil u adeegsadaan siyaasadda, wuxuuna dowladda iyo mucaaradka kula taliyay inay yareeyaan xiisadda.

Mucaaradka dowladda ayuu ugu baaqay inay ciyaariyaan kaalin wax dhiseysa ee aanay noqon kuwa wax dumiya, waxayna farriintiisa u muuqatay mid dhexdhexaad ah oo la isugu soo dhoweynayo labada dhinac.

Sheekh Xasan Daahir ayaa ku bogaadiyey kooxda Ahlu suna in degaanada ay ka taliso ay nabad ka dhigtay, isla markaana ay heshiis dhex dhigtay beelaha ku dagaalamay gobolka Hiiraan.
Sheekh Xasan Daahir ayaa bilaabay muddooyinkii ugu danbeeyay inuu muuqaalo soo duubo, isagoo ka hadlaya xaaladda dalka iyo arrimaha siyaasadda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada