Injineer Yariisow oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir

Injineer Yariisow oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir u magacaabay Cabdiraxmaan Cismaan Cumar (Injineer Yariisow).

Warkan ayaa lagu shaaciyay bayaan uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee Sonna.

Warka Sonna ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu go'aankan gaaray kaddib markii uu arkay soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, wadatashina uu la sameeyay, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed, ayaanan ilaa iyo hadda wax war ah arrintan ka soo saarin.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed
Wararkii ugu horreeyay ee saaka soo baxayay ayaa sheegaya in ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliyaay la wareegeen xafiisyada xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan waxaa xiran waddooyinka xaruntaasi soo gala, waxaana xarunta hadda si buuxdo gacanta ugu haya ciidammo gaar ah.

Arrintan ayaa daba socotay kaddib markii xalay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, gudoomiyayaasha degmooyinka iyo kuxigeenadooda ay xarunta maamulka uga dhawaaqeen inay laba sanno xilka ugu dareen gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed.

Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed ayaa markii hore xilka ku yimid digreeto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada